|
|
|
|
In English
In Hmong
In Vietnamese
Xeerarka Minnesota
- Darawalka waa in uu mudnaanta kowaad uu isgoysyada aan isbaarada lahayn siiyaa (tareenada).Tareenadu ayaa markasta iska leh mudnaanta kowaad (right-of-way).
- Haddii nalalku ay big-big leeyihiin, joogso kadibna soco oo kaliya haddii tareen aanu muuqan.
- Waa sharci darro in lala soo wareego dibedda isgoysyada.
- Darawalka waa in uu joogsadaa isgoysyada tareenada oo dhan haddii tareen muuqdo. Sug oo ha dhaqaaqin ilaa uu tareenku gudbo.
- Basaska dugsiyada iyo kuwa ganacsiga waxaa looga baahanyahay in ay joogsadaan isgoysyada tareenada oo dhan haddii ay sidaan rakaab iyo haddii kaleba. Inta uu taaganyahay wadaha waa in uu furaa dariishadihiisa iyo albaabka shaqada, kadibna dhagaysto, fiiriyana labada dhan ee wadada bal in wax tareen ah uu soo socdo.
- Baabuurta sida walxaha khatarta ah waxaa looga baahanyahay in ay joogsadaan isgoysyada tareenada oo dhan. Laakiin darwalku waa in uu si wanaagsan ee aan kadis ahayn u istaagaa si uuna shil kale u sababin
- Waa xad-gudub dhul (trespassing) waana sharci darro in la tago (ama lagu dul socdo) dhul ama waddo tareen ee gaar ah.
Laga soo Xigtay:
Maamulka Wadooyinka Qaranka
Ololaha Naf-badbaadinta
Waaxda Gaadiidka ee Minnesota
Xaashida Xaqiiqada
|
Look, Listen, ... & Live!
Contact Minnesota Operation Lifesaver, Inc. , Inc.
dnaumann08mnol@aol.com
2515 White Bear Ave. Suite #126, Maplewood, MN 55109
National Operation Lifesaver