|
|
In English
In Hmong
In Vietnamese
Su'aalaha Inta badan la Isweydiiyo
Maxaa loola jeedaa Ololaha Nolol-badbaadin?
Ololaha Nolol-badbaadin waa hay'ad samo fal waxbarasho iyo wacyi galin ah ee ku fidsan goboladda oo dhan loogana
danleeyahay in lagu dhameeyo shilalka, dhimashada ama dhaawaca ka dhaca isgoysyada jidadka tareenada iyo goobaha ay
leeyihiin jidadka tareenada. Si uu u fuliyo howlihiisa barnaamijkan Ololaha Nolol-badbaadin waxaa uu adeegsadaa
halkudhag ka kooban 3 E una taagan Waxbarashada (Education), Sahminta (Engineering) iyo Sharcifulinta (Enforcement).
Ololaha Nolol-badbaadin waxa uu:
- bara dadweynaha jidadka tareenada iyo nabadgalyada dadka lugeynaya.
- ogolaadaa habka lagu hormarinayo nabadgalyada isgoysyada jidadka tareenada asaga oo adeegsanaya naqshadda iyo farsamada cusub.
- Dhiiri galiyaa dhab u fulinta sharciyada lagu maamulo isgoysyada.
Maxay tareenadu mudnaanta horaynta ay ugu leeyihiin wadooyinka?
Tareenada si fudud oogama istaagi karaaan baabuurta ,maraya isgoysyada. Xataa haddii injineerka tareenku uu bareegyada xaaladda deg-degta ah qabto, tareenka ku socda 55 mayl saacaddii waxay ku qaadanaysaa hal mayl in uu ku istaago. Fatuuradda waxay ku qadanaysaa 200 oo fiit (tallabo) in ay ku istaagto. Fatuuradda ayaa istaagidda ooga fiican tareenka.
Maxay tareenadu aadka ugu dheeryihiin (fidsanyihiin)?
Tareenada aadka u fidsan (ama u dheer) waa kuwo leh tayo Kharash ahaana fiican. Waxay qaadaan alaabo badan taas oo micnaheedu yahay tareeno tiro yar in loo baahdo. Marka uu tareenku gudbayo isgoysku waxa uu xirnaan karaa laba ilaa iyo afar daqiiqo taas oo ku xirran xawaaraha iyo dhereka tareenka. Haddii isgoysku u dhawyahay meelaha tareenada ay isku badalaan waxa ay qaadan kartaa muddo intaas ka badan.
Maxay tareenadu mararka qaar uu tareen isaga fadhiyaa una xiraa isgoysyada?
Mararka qaar waxaa laga yaabaa in uusan tareenku dhaqaaqi karin markaasna ay khasab noqoto in uu tareenku fadhiyo isgoyska muddo ka badan intii caadiga ahayd; tusaale ahaan, marka uu hawada cadaadiska ah dib ugu shubayo bareegyada hawada ku shaqeeya kadib markii si kadis ah (xaalad deg-deg ah) uu ku istaago.
Maxay tareenadu deg-deg ugu goyn waayeen isgoysyada? Xawaaare intee le'eg ayay ku socdaan?
Xawaaraha ay tareenadu ku socdaan waxaa dejisa dawladda Dhexe. Xawaaraha waxaa lagu saleeyaa sida ay tahay xaaladda wadadu iyo halka ay ku taallo.
Maxay tareenadu si tartiib ah ugu socon waayeen?
Markale, tareenadu waxaa u degsan xawaare sharci ah. Xawaaraha oo ay yareeyaan micnaheedu ma aha in ay khasbayso in shilalku yaraadaan- in ka badan kala bar ee shilalka isgoysyadu waxa ay dhacaan marka uu tareenku ku socdo xawaare la mid ah 30 mayl ama ka yar saacadiiba.
Maxaan samaynaa marka uu nalka joogsigu shidan yahay haseyeeshee wax tareen ah ayna muuqan?
Haddii uu isgoysku leeyahay qalabka iyo lambar teleefoon ee xaaladda deg-degga ah wac lambarkaas; Haddii kale wac 9-1-1 ama hay'adaha sharci fulinta ee deegaanka adiga oo sheegaya meesha uu isgoysku dhab-ahaan ku yaal.
Laga soo xigtay: Ololaha Naf-badbaadinta
Xaashida Xaqiiqada
|