About OL
Safety info
Presentations
For kids
News
Get involved
Partners
Contact us
Presenters only

In English
In Hmong
In Vietnamese

Nabadgalyada Asaasiga Marka La Gudbayo Isgoysyada Jidadka Tareenka

Wakhti kasta filo tareenka.
Si xaqiiqa ah uma ogaan kartid wkhtiga uu tareenka mari doono isgoysyada, xataa haddii isgoysku uu yahay mid aad maalin kasta ku martid lug ama gaari. Tareenada xamuulku jadwal caadi ah kuma socdaan, sidoo kalena jadwalka tareenada qaada dadka waxa uu isbadali karaa wakhti kasta. Markasta digtooni qab, sababta oo ah tareenku waxaa uu meesha soo mari karaa wakhti kasta maalin ama habeen jid kasta asaga oo u socda jahadii la doono.

Ha ku sirmin-tareenku wuu ka dhowyahay waana ka dheereeyaa inta ay kula tahay!
Sida ay diyaaraddu ugu muuqato in ay tartiib u socoto, ayaa indhahaagu ku siri karaan marka tareen soo socdo-waxa uu tareenku indhaha ula muuqan karaa mid kaa fog oo si tartiib ah oo ka yar inta dhabta ah uu kuu jiro ama xawaaraha dhabta ah uu ku socdo. Ha is galin khatar-way fududahay in lagu khaldamo tareenka xawaarihiisa iyo inta uu kuu jiro gaar ahaan habeenkii.

Tareenadu si dhakhso ah uma joogsan karaan umana leexan karaan.
Markii bareegga si buuxda loo qabto, tareen xamuul ee buuxa kuna socda xawaare dhan 55 mayl saacaddii, waxay ku qaadan kartaa hal mayl ama ka badan si uu u joogsado. Tareen fudud waxa uu u baahan yahay 600 fiit si uu u joogsado, Tareenka ka koobma 8-gaari kuna socda 80 mayl saacaddii waxa ku qaadataa hal mayl in uu joogsado. Xataa haddii uu ku arki karo injineerku ma haysto wakhti ku filan in uu kaa joogsado.

Joogso oo sug haddii ay albaabadu xiranyihiin ama nalaku big-big leeyihiin.
Haddii ay albaabada xiran yihiin ( birtu hoos u dhacsantahay joogso oo sug-taasi waa sharci. Soco marka ay albaabadu furmaan nalka gaduudana ay joojiyaan big-bigta).

Iska hubi jidadka oo dhan inta aadan goynin.
Haddii aad goynaysid isgoys ka kooban hal jid, aad ooga taxaddar marka uu tareen ku dhaafo. Inta aanad goynin, hubi tareen kale in aanu ku soo jirin wado kale ama jaho kale-kan kowaad waxa uu kaa qarrin karaa kan labaad.

Ha ku Xannibmin wadada Tareenka.
Marna ha ku wadin gaariga wadada tareenka in aad hubtid mooyee in aad dhanka kale u gaari katid adiga oo aan istaagin. Haddii gaarigu kaa fariisto jidka dhexdiisa , isla markiiba ka saar dadaka saaran oo dhan xataa haddii aadan arkin tareen soo socda. Dhakhso ooga bax jidka tareenka. Haddii tareen soo socdo, u soco dhanka uu u scodo marka aad ka baxdid jidka. Haddii aad u carartid dhanka uu u socdo, waxaad ku dhaawicmi kartaa firirka ka yimaada marka uu tareenku ku dhaco gaariga. Markii aad gaartid meel amaan ah kana durugsan isgoyska wac 9-1-1 ama lambarka xaaladaha deg-degga ah ee ku dhagsan isgoyska.

Ha ku Meeraysan Dhulka tareenada adiga oo (xitaa) lug ah.
Jidadka tareenada iyo dhulka iyo dhismaha ku dhinac yaala waa hanti gaar ah-ayaga ayaan mudnaanta kowaad u leh jidka. Ka joog tareenada iyo jidadkooda. Ha ku xad-gudbin-waa sharci darro dhimashana way keentaa marar badan.

Laga soo xigaty: Ololaha Naf-badbaadinta

Xaashida Xaqiiqada

Look, Listen, ... & Live!
Contact Minnesota Operation Lifesaver, Inc. , Inc.
dnaumann08mnol@aol.com
2515 White Bear Ave. Suite #126, Maplewood, MN 55109
National Operation Lifesaver